Home » Europe » Champions League » Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Semi Finalka Champions League Oo La Shaaciyay

Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Semi Finalka Champions League Oo La Shaaciyay


Champions League draw

Todobaadkaan waxaa daaha laga qaadi doonaa wareega Afar Dhamaadka Champions League [Semi Final] iyadoo ay isku soo hareen Afar kooxood oo ka kala socda Wadamada Jarmalka, Spain iyo Ingiriiska.

Atletico De Madrid ayaa Vincent Calderon ku martigalin doonta kooxda Chelsea, Halka Real Madrid ay Stadium Santiego Bernabue ku soo dhaweyn doonto difaacdayaasha tartanka Bayern Munich.

Waa kulamo culus labada habeen ee Talaadada iyo Arbacada ayaana laga bogan doonaa.

Xiriirka qaarada yurub ee UEFA ayaa soo saaray garsorayaasha dhexdhexaadin doona labadaan kulan ee aadka u culus iyagoo soo magacaabay garsoraha reer Sweden ee Jonas Eriksson iyo midka reer England Howard Webb.

Atletico Madrid vs Chelsea:

screen-shot-2014-04-11-at-11-55-27

Kulankaan wuxuu u dhaxeeyaa wadamada Spain iyo England waxaana garsoori doona garsooraha reer Sweden ee Jonas Eriksson.

Garsoorahaan ayaa soo garsooray kulamadii wareegyada 16-ka iyo 8-da ee ay ciyaareen kooxaha reer England ee Manchester City iyo Man United.

Garsoore Jonas Eriksson ayaa soo garsooray kulankii ay Barcelona 2-0 ku garaacday kooxda Barcelona wareega 16-ka inkastoo rigoore muran badan dhalisay uu u dhigay Lionel Messi.

Sidoo kale wuxuu garsooray kulankii kooxda Man United looga reebay Champion League ee Bayern Munich taas oo ay sii dheer tahay inuu garsooray kulankii Tottenham looga reebay Europa League ee ay la ciyaartay Benfica.

Caawiyaha 1-aad: Mathias Klasenius (SWE)

Caawiyaha 2-aad: Daniel Wärnmark (SWE)

Caawiyaha Dheeriga 1-aad: Stefan Johannesson (SWE)

Caawiyaha Dheeriga 2-aad: Markus Strömbergsson (SWE)

Garsoorka Afaraad: Daniel Gustavsson (SWE)

Garsoorka Keydka: Jaap Uilenberg (NED)

Xubinta UEFA: Adonis Procopiou (CYP)

Real Madrid vs Bayern Munich

Semi-final-match-fixtures-of-2014-champions-league

Real Madrid ayaa minankeeda kusoo dhaweyn doonta difaacdayaasha tartanka Bayern Munich waxaana labada koox kala garsoori doona garsooraha reer England ee Howard Webb kaas oo dhexdhexaadiye ka ahaa kulanki Barcelona iyo Atletico Madrid sidoo kalana soo dhexdhexaadiyay kulan labadaan kooxod ku dhexmaray Champions League Semi Finalkiisa 2012.

Dagaalka dhexmari doona Jarmalka iyo Spain ayuu u kala dhaxeyn doonaa wuxuuna ka mid yahay garsoorayaasha koobka Aduunka dhexdhexaadin doonaa.

Howard Webb ayaa sidoo kale dhexdhexaadiyay kulankii Real Madrid iyo Juve ee kusoo idlaaday 1-1 kaas oo ka dhacay Turin.

Bayern Munich ayaa guuldaro la kulantay Finalkii 2010 markaas oo Howard Webb uu dhexdhexaadiyay kulan ku dhexmaray iyaga iyo Inter garoonka ay ciyaartoodaan ka dhaceyso ee Bernabue.

Caawiyaha 1-aad: Michael Mullarkey (ENG)
Caawiyaha 2-aad: Darren Cann (ENG)
Caawiyaha Dheeraadka 1-aad: Martin Atkinson (ENG)
Caawiyaha Dheeraadka 2-aad: Anthony Taylor (ENG)
Garsoorka Afaraad: Stephen Child (ENG)
Garsooraha Keydka: Pierluigi Collina (ITA)
Xubinta UEFA: Jacques Antenen (SUI)

Atletico Madrid vs Chelsea: Talaado, Real Madrid vs Bayern Munich: Arbaco, Waqtigana 9:45 Xiliga Geeska Afrika


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close