Halyeeyga Blues Frank Lampard ayaa iska diiday dalab ay Manchester City ku dooneysay inuu ugu ciyaaro qeybta hore ee horyaalka Premier League madama uu ku biiray kooxda ay maalgalisay Man City ee New York City ay horyaalkeeda ugu horeeya ciyaari doonto bisha March ee soo aadan.
Frank Lampard ayaa Jamaahiirta Blues ka balan qaaday inuusan waligiis waji cadaawad leh ku qaabili doonin isagoo diiday dalabkii Manchester City ay ku dooneysay inuu galika hore ugu ciyaaro, balse badalkeeda wuxuu u ciyaarayaa kooxda ay Manchester City leedahay ee Melbourne City taaso ka dhisan dalka Australia.
Ka hor inta uusan bisha March aadin horyaalka Maryekanka Frank Lampard ayaa u ciyaari doona kooxda Melbourne City ee horyaalka A-League.
Labada kooxood ee Melbourne City iyo New York City waxaa iska leh milkiilaha Manchester City iska leh ee SHiekh Mansour.
Profile