Gudoomiyaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa xamili kari waayay dhaliisha iyo weerarka joogtada ah oo ay ku hayaan taageerayaasha Real Madrid tan iyo markii uu todobaadkii hore Mesut Ozil kooxda Arsenal ka iibiyay, inkastoo masuulkan uu saaxiib lahaa Ozil sidoo kalena uu isaga sabab u ahaa in xidiga reer Jarmal uu Madrid usoo dhaqaaqo sanadii 2010 hadana Perez ayaa dareemay in shaqadiisa ay haatan halis ku jirto asigoo is difaacayo wuxuu yiri “Ozil waa nin hablaha ku mashquulo waayo marar badan ayuu Hotelada Madrid ku caweeyay inta badana wuu kasoo daahi jiray xiliga jiifka cayaartooyda sidaa darteed waa shaqsi ku fashilmay inuu Madrid kasii mid ahaado!”
Hadaba masuulkan hadalka kasoo yeeray ayaa lala yaaban yahay waayo Mesut Ozil intii uu Madrid ka tirsanaa marnaba laguma eedeynin anshax xumo iyo inuu xarunta tababarka kasoo daaho, balse waxay u muuqataa in haatan dagaal culus uu ka dhex qarxay xidigan iyo masuuliyiinta Madrid oo haatan dareemayaan in la joogo waqtigii ay isdifaaci lahaayeen sidoo kale Perez ayaa ku eedeeyay Mustafa Ozil oo ah aabaha Ozil inuu sabab u ahaa in xidigan Madrid laga diro madaama uu abuuray jawi kalsooni daro, sidaa darteed hadalka kasoo yeeray masuulka ugu sareeyo muxuu Ozil kaga jawaabi doonaa?
xrfadle sport
September 10, 2013 at 8:28 AM
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Ozil daadka ayaa qaaday
Arsenal waxba kuma soo kordhi doono
Waa fashilmay waxaa uroon in baraarka lagu caweeyo iskala raaxaysto habalaha uu jecelyahay