Home » Maxaa Cusub » Florentino Perez: Alex Ferguson Wuxuu Doonayay Inuu Man United Ka Badalo Carlo Ancelotti

Florentino Perez: Alex Ferguson Wuxuu Doonayay Inuu Man United Ka Badalo Carlo Ancelotti


Ancelott

Manchester United ayaa dooneysay in Carlo Ancelotti uu badal u noqdo macalinkoodii hore Sir Alex Ferguson xili ciyaareedkii ka horeeyay midkii haatan soo idlaaday sida uu shaaciyay madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez.

Sir Alex Ferguson ayaa ciyaaraha ka fariistay 2013, isagoo kooxda u hogaamiyay horyaalkoodii 20-aad ee Premier League waxaana badalay David Moyes oo maalmod mugdi ah dhaxalsiiyay Shayaadiinta Cas-cas isagoo ka reebay ka qeyb galka tartamada yurub xagaaga soo aadan inkastoo bishii April laga ceyriyay Old Trafford.

Louis Van Gaal oo ah macalinka haatan ee xulka Holland ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Manchester United kaas oo laga filayo isbadal weyn oo dhan walba leh.

Si Kastaba Florentino Perez ayaa daboolka ka qaaday in Sir Alex Ferguson dooqiisa koowaad uusan aheyn David Moyes balse uu Ancelotti weydiistay inuu ka badalo xilka United markii uu ku sugnaa PSG, balse tababaraha reer talyaani ayaa u sheegay Ferguson inuu heshiis la gaaray Real Madrid.

“Ferguson wuxuu [Ancelotti] ugu yeeray inuu ka badalo xilka United ka hor inta uusan macalinka reer talyaani u sheegin inuu Real Madrid heshiis la galay” Ayuu ku waramay Perez.

Tababare Carlo Ancelotti oo horay ugu guuleystay koobka Premier League iyo FA Cupka mudadii uu ku sugnaa Chelsea ayaa cadeeyay inuu donayay mar walba Real Madrid.

“Inaad maamusho xulkaaga waa hami weyn” Ayuu ku waramay 54-jirkaan macalinka u ah Real Madrid isagoo muujinaya jaceylka uu u qabo hogaanka xulka Azzurri.

“Balse wali waxaan doonayaa inaan kusii jiro tababarka maalin walba, maalin walbana aan ku raaxeysto xiriirka naadiga”

“Hadii aanan dooneyn taageero badan, waxaan ugu yeeri doonaan xiriirka talyaaniga marka uu Cesar Prendelli ka dago xilka Azzurri 2016″ Ayuu ku kaftamay tababare Ancelotti.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close