Iyadoo tartanka Koobka Aduunka uu soo gaaray heerkiisii ugu dambeeyay ayey Xiriirka Kubada Cagta Aduunka FIFA soo gudbiyeen liiska tartamayaasha abaalmarinada la bixin doono 13-ka July markaas oo uu dhici doono kulanka kama dambesyta Koobka Aduunka oo ay isku wajahi doonaan Jarmalka iyo Argentina.
Abaalmarinada La bixin doono ayaa ah:
Golden Ball: Oo la siin doono xidiga ugu muuqaalka wanaagsanaada tartanka iyadoo gudi ay fifa u xilsaartay ay qiimeyn doonaan muuqaalkiisa koobka Aduunka.
Best Young Player: Xidigaha da’da yar xidiga ugu muuqaalka wanaagsan
Golden Glove: Goolhayaha ugu waxqabadka wanaagsan tartanka.
Afar ka mid ah xidigaha Jarmalka ayaa u sharaxan abaalmarinta Xidiga tartanka: Kroos, Muller, Hummels iyo Lahm kuwaas oo lagu tilmaamay iney yihiin wiilasha ugu muuqaalka wanaagsan Jarmalka, sidoo kale waxaa kula jira tartankaas: wiilasha Argentina Lionel Messi, Mascherano & Di Maria oo ay sii dheer tahay xidigaha tatanka ka haray ee James Rodriguez (Colombia) Neymar JR (Brazil) & Arjen Robben (Holland).
Dhanka kale Fifa waxey soo magacowda sadexda xidig ee ugu da’da yar koobka Aduunka kuwaas oo muujiyay waxqabad muuqda: Paul Pogba & Varane oo Faransiiska ah iyo Depay Oo Holland ah.
Abaalmarinta u dambeysa oo ah Goolhayaha tartanka iyana waxaa isku heysta sadexda goolhaye: Manuel Neuer oo Jarmalka u dhashay, Romero oo Argentina ah iyo Navas oo Costa Rica ah.
Dhamaan Abaalmarinadaan waxaa la bixin doonaa marka ay uu soo dhamaado kulanka Finalka Koobka Aduunka.
Profile