Caawo waxaa si gaar ah loogu kuur gali doonaa kulanka xiisaha badan ee dhex mari doono xulalka Argentina Vs Bosnia labadan xul farqi weyn ayaa u dhaxeeyo marka laga hadlaayo tartankan waayo Bosnia waa markii ugu horeesay oo ay dhacdadan taariikhiga ah kasoo muuqdaan halka Argentina ay xagaagan damacsan yihiin inay markoodii 3-aad ku guuleestaan koobka aduunka, kulankan waxaa sheegtay inuu wacdaro ka dhigi doono Lionel Messi oo damacsan inuu jawaab u helo dhaliisha ku raagtay waayo xidigan marnaba xulkiisa wax buura uma qabanin tartamada heerka caalami ah haatana cadaadis xoogan ayaa saaran madaama uu kabtanimada Argentina xirtay wuxuuna doonayaa 28-sano kadib guushii Maradona uu xulkan gaarsiiyay mid la mid ah inuu u horseedo!
WARBIXINTA KULANKA
Tartanka: FIFA World Cup 2014
Taariikhda/June 16, 2014,
Saacada: 01:00 AM Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
Goobta: Maracanã, Rio de Janeiro,
Garsooraha: Joel Aguilar (El Salvador), da’diisa 38-sano
Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:
Macalinka xulka Argentin Alejandro Sabella wuxuu saxaafada u sheegay in dhamaan xidigaha xulkiisa ay caafimaad qabaan balse weli wuxuusan go’aa ka gaarin labada xidig ee kala ah Ezequiel Lavezzi iyo Gonzalo Higuain midka uu caawo kusoo bilaabi doono madaama Aguero iyo Messi la hubo in kulankan lagu soo bilaabi doono.
Dhanka xulka Bosnia macalinkooda qabiirka ah Safet Susic ayaa sheegay inuu badali doono nidaamka ay xulkiisa cayaarayeen mudo dheer wuxuuna caawo kusoo bilaabi doonaa hal weeraryahan oo kaliya kaasi oo ah Eden Dzeko sidaa darteed shaxda 4-2-3-1 waxaana kubada xulkan u sameyn doono wiilka naadiga Roma Miralem Pjanic.
Dhacdo La Xariirto Kulankan Xiisaha Badan:
Kulamadii ay horey labadan xul u wada cayaareen:
Labadan xul waxay horey u wada cayaaren labo kulan oo saaxiibtinimo ah waxaana xusid mudan in labadaas kulan ay xulka Argentina guuleesteen weliba dhigooda Bosnia 7-gool ayay ka dhaliyeen labada kulan halka Bosnia aysan waxba dhalinin, welina kulankii ugu dambeeyay waxay 2-0 guusha ku raacday Argentina iyadoo ay wada cayaareen Bishii November ee sanadkii hore 2013.
Maxaan Ka Filan Karnaa Kulanka Xiisaha Badan?
Labo arimood ayaan kuankan ka filan karnaa midi waxay tahay in lasoo gaaray xiligii Lionel Messi uu tartanka wacdaraha ka dhigi lahaa asigoo kaashanaayo xidigaha tayada wanaagsan sida Di Maria, Aguero iyo Higuain ka filo Messi inuu caawo reer Bosnia dhex qaado.
Sidoo kale waxaan ka filan karnaa labada weeraryahan ee reer Bosnia Edin Dzeko iyo Vedad Ibisevic iyagana inay dhiig miirtaan daafaca tababarta yar ee Argentina sidaa darteed cayaartan labadan dhacdo ayaan filan karnaa waana u wada joognaa midii dhab noqoto.
Line Up-a macquulka:
Argentina: Romero, Rojo, Fernández, Garay, Zabaleta, Mascherano, Gago Di María, , Lavezzi, Agüero, Messi
Bosnia: Begovic, Kolasinac, Spahic, Bicakcic, Mujdza, Lulic, Salihovic, Pjanic, Misimovic, Dzeko, Ibisevic
Profile