Home » Maxaa Cusub » Fabregas: “La Roja Kama Cabsaneyso A Seleção”

Fabregas: “La Roja Kama Cabsaneyso A Seleção”


Neymar

Kubad sameeyaha Barcelona Cesc Fabregas ayaa cadeeyay in Xulka La Roja [Spain] uusan walwal ka qabin wajahida ay wajahaan martigaliiyayaasha Koobka Aduunka 2014-ka Brazil.

Wiilasha Luiz Felipe Scolari ayaa taariikh lama iloobaan ah u xambaariyay Xulka Spain Finalkii Confederation Cupka ee Brazil lagu qabtay sanadii 2013 markaas oo xulka Jaalayaaasha ay 3-0 ku garaaceen Spain.

“Waxaan aaminsanahay ku guuleysiga Koob waa muhiim” Ayuu Cesc Fabregas ku waramay xili uu sameynayay bandhig ay shirkadda PUMA kusoo sartay kabaha kala jaanka ah ee cusub ee ay xidigaha aduunka isticmaali doonaan koobka Aduunka.

Cesc Farbregas ayaa ka mid noqdo tiro badan oo ciyaartoy ah oo ku ciyaari doona kabaha ay sameysay PUMA ee kala nuuca ah koobka Aduunka.

Fabregas ayaa ku rajo weyn in Spain ay meel wanaagsan gaari doonto isla markaana ay caadi tahay hadii xitaa ay la kulmaan kulanka ugu horeeya guuldaro.

Afar sano ka hor koobkii aduunka ee lagu qabtay South Africa Spain ayaa 1-0 ku lumisay xulka Switzerland balse ugu dambeyntii waxey koobka ka qaadeen Netherlands.

Ugu dambeyntii Fabregas ayaa hadalkiisa kuso koobay, “Spain kama cabsaneyso Brazil”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close