Tababaraha haatan leyliyo xulka Russia Fabio Capello ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo inuu hogaanka xulka Italy la wareegi doono marka la gaaro sanadka dambe bartamihiisa, macalinkan waaya araga ah una dhashay dalka Talyaaniga ayaan damac kaga jirin inuu qabto jagada ka faaruga noqon doonto marka uu koobka aduunka dhamaado, waayo tababare Cesar Prandelli uu haatan Italy leyliyo ayaa marar badan ku cel celiyay inuusan xulkan sii heyn doonin wixii ka dambeeyo tartanka koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Brazil sanadka dambe.
Capello oo la hadlaayay Fox Sports Italia wuxuu yiri “ma noqon doono shaqsiga Prandelli badalaayo, marka aan shaqada Russia isaga tago go’aanka aan qaadan doono aniga ayaa aqaano balse waxaan hubaa inaan marnaba hogaanka Italy la wareegi doonin!’ macalin Capello ayaa sidoo kale ka hadlay hadal heynta ku aadan Massimiliano Allegri oo Milan hogaamiyo inuu u sharaxan yahay jagada Italy balse Capello ayaan qabin in macalinkan uusan heerkaas gaarin wuxuuna yiri “Allegri weli waa nin dhalin yar sidaa darteed waxaa u wanaagsan inuu Milan lasii joogo sidoo kalena uu waaya aragnimo dheeraad ah kasbado markaas waa macquul mustaqbalka dheer inuu Italy qabto balse hada kulama talin laheen shaqadan dhibka badan”