Home » Maxaa Cusub » Erik Lamela Oo Walaalkiis Afduubteen Rag Hubeesan!…

Erik Lamela Oo Walaalkiis Afduubteen Rag Hubeesan!…


Tottenham-Hotspur-sign-Erik-Lamela-2238812

Laacibka dhawaan naadiga Tottenham ku iibsatay 35-milyan oo euro ah Erik Lamela ayaa lasoo daristay murig hor leh kadib markii xidigan lagu wargeliyay in walaalkiis ka yar afduubteen niman hubeesan, laacibkan u dhashay dalka Argentina ayaa aad uga naxay markii walaalkiis Axel uu gacanta u galay rag hubeesan balse dadaal farabadan oo la sameeyay 18-jirkan kuma daahin gacanta burcadii gacanta ku dhigtay waayo qoyskiisa ayaa bixiyeen lacag madax furasho ah.

Axel  ayaa laga afduubtay duleedka magaalada Buenos Aires wuxuuna gacanta ugu jiray ragga hubeesan sacado balse nasiib wanaag durbadiiba reerkiisa ayuu lasoo xariiray waxayna qoyskiisa bixiyeen 5,000 peso oo ah lacagta Argentina waxayna u dhigantaa  £550 oo pound, booliska magaalada Buenos Aires ayaa ka hadleen arintan waxayna sheegeen in ragga afduubtay Axel Lamela aysan ka warqabin inuu Erik Lamela la dhashay waayo lacago farabadan ayay madax furasho uga qaadan laheen ama maba soo deyn laheen.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close