Home » Horyaalada » La liga » Enrique Cerezo Oo La Hadlay Barcelona: “Koke Iib Maahan”

Enrique Cerezo Oo La Hadlay Barcelona: “Koke Iib Maahan”


n_atletico_de_madrid_koke-5313943

22-jirka reer Spain Koke kaas oo la hadal hayay inuu ka tagi doono garoonka Vincent Calderon kadib sanad xamaasad fiican leh oo uu lasoo qaatay Atletico Madrid ayaa joogi doona magaalada Madrid sida uu ku waramay madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo.

Koke ayaa qeyb ka ahaa wiilashii macalin Diego Simeone u sahlay inuu ku guuleysto horyaala Spain tan iyo 1996-dii sidoo kalana kooxda ay soo gaarto Finalka Champions League.

Barcelona ayaa ku warantay in Koke uu badal u noqon doono Cesc Fabregas kaas oo loo badinayo inuu ka tagi doono kooxda Barcelona isagoo dalab ka helay kooxo badan oo Ingiriis ka dhisan.

Si Kastaba Enrique Cerezo oo ah madaxweynaha kooxda Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday in da’yarkaan uusan aheyn iib isla markaana uu sii joogi doono Kooxdiisa.

“Waa ciyaariyahankeena wuuna nala sii joogi doonaa” Ayuu u sheegay Foro Nuevo Murcia, “Wey ogyihiin waliba si fiican midaas” ayuu mar kale ku celiyay.

“Ma iibineyno kooxda, waan sii istaajineynaa kooxda, inagoo cadeyneyna in Koke uusan beec aheyn sido kalana uu doonayo inuu sii joogo kooxda Atletico wuxuu sii ahaa doonaa Rojiblanco wax kalana ma jiraan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sido kale madaxweynaha kooxda Atletico ayaa jamaahiirta kooxa u xaqiijiyay in Miranda iyo Godin aysan kooxda ka tagi donin balse Luis Felipe ay iibin doonaan hadi dalab rasmi ah helaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close