Home » Maxaa Cusub » Emmanuel Adebayor Oo Laga Soo Saaray Isbitaalkii Uu Ku La Dhigay Sabtidii

Emmanuel Adebayor Oo Laga Soo Saaray Isbitaalkii Uu Ku La Dhigay Sabtidii


adebayor

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa iclaamisay in isbitaalka laga soo saaray weeraryahankooda reer Togo Emmanuel Adebayor kaas oo isbtaalka la dhigay sabtidii markii laga soo sheegay xanuunka Malaria.

30-jirkaan reer Togo ayaa tababarka kooxdiisa kusoo laabtay isbuucii lasoo dhaafay balse xidigaan ayaa xanuun dartiis la qaadan waayay tababarka cusub ee macalin Mauricio Pochettino taasoo sababtay in isbitaal la seexiyo.

Xidigii hore Arsenal ayaa haatan caafimaadkiisa uu soo wanaagsanaaday, waxeyna kooxda Spurs bogeeda twitter-ka ku shaacisay in xidiga ugu dambeyn laga soo saaray isbitaalka isagoo fiican:

“waxaan mahdineynaa warbixinta la xiriirta in isbitaalka laga soo saaray Adebayor balse 7-maalmood oo nasiino ah ayuu heli doonaa ka hor inta usan kooxda kala qeyb qaadan tababarka diyaar garowga xiliga soo aadan”

Ayey u qorneed warbixinta ka imaaneysay Spurs.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close