Kubad sameeyaha xulka Belgium Eden Hazard haatana ka mid ah xidigaha loogu doonista badan yahay qaarada Yurub ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay inuu go’aansaday ku biirida kooxda PSG sidoo kalena uu xagaana Chelsea isaga hayaami doono xidigan tayada wanaagsan oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri
” ma ahan wax lala yaabo wararka sheegayo inaan Paris ku biiri doo waayo sanad walbo naadi ayaa la iila xariiriyaa dabcan sheekadan wax ig cusub ma ahan waxaana ahay cayaar ku faraxsan ka mid ahaan shaha Chelsea”
Hazard ayaa sheegay in wararka PSG uusan dan iyo heelo ka laheen balse haatan uu ku mashquulsan yahay kaliya sidii uu xulkiisa Belgium-ka koobka aduunka kala qayb gali lahaa wuxuuna yiri “haatan diirada waxaan saaray kaliya sidii xulkeyga aan koobk aduunka guulo ula qayb san lahaa xiisana uma qabi inaan maalin walbo aqriyo wararka ay saxaafada iga qorto”
23-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Lille ayaa Chelsea kusoo biiray sanadii 2012 balse xili cayaareed wuxuu noqday hogaamiyaha Blues asigoo u dhaliyay 14-gool sidoo kalena xidigii Chelsea ugu wanaagsanaa ayaa loo doortay waxaana saxiixiisa ku raad joogtay naadiga PSG balse hadalka kasoo yeeray ayaa muujinaayo in kubad sameeyaha uu baaqi kusii ahaan doono Galbeedka magaalada London.