Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid oo halgan culus ugu jiro sidii uu taam ugu noqon lahaa kama dambeesta koobka horyaalada Yurub ayaa arin la yaab leh sameeyay kadib markii uu u duulay dalka Serbia si uu ula kalmo dhaqtartarada lagu magacaabo Marijana Kovacevic kaasi oo ku caan baxay inay cayaartooyda ku daaweyso mandheerta dumarka, Costa ayaa ka dhaawacan dhanka muruqa hoose oo la sheegay inuu dilaac darajada kowaad ah kaga jiro inta badana dhaawacan soo kabashadiisa waxay u baahan tahay mudo 15-maalmood ah sidaa darteed shaki weyn ayaa ku jiro inuu safan karo Finalaha Champion-ka oo sabtiga la cayaari doono.
Balse xidigan ayaa loo sheegay inuu jiro Dr. Marijana Kovacevic oo ku nool magaalada Belgrade kuna caan baxday inay smaeeyo waxyaabo mucjiso ah gaar ahaan inta badan cayaartooyda murqaha dhaawacyada kasoo gaaraan waxat ku daaweeysaa mandheerta dumarka waxaana la sheegay inuu dhaqtarkan muranka badan dhaliyay uu horey mandheerta dumarka ugu daaweeyay xidigaha kala ah Frank Lampard, Robin van Persie iyo Yossi Benayoun.
Marijana Kovacevic ayaa ku faanto shaqadeeda waxayna sheegtay inta badan cayaartooyda dhaawaca dhanka murqaha kasoo gaaran ay garoomada ka maqnaadaan ugu yaraan 4-todobaad balse iyada markay u imaadaan waxay murqaha ugu masaajeysaa dheecaanka mandheerta dumarka taasi oo sababto in cayaartooyda mudo 3 ilaa 4-maalmood gudahooda ay ku ordaan sidoo kalena ay dhaawaca kaga kabtaan!! hadaba Costa ayaa dalka Serbia aaday tolow mandheerta dumarka hadii loogu masaajeeyo taam ma u noqon doonaa inuu Finalaha Champion-ka safto!
M.m.x
May 21, 2014 at 2:54 PM
kkkk Runtii Waa Wax Lagu Yaabo Macquul In Uu Kusoo Kabto Sida Uguugu Dhaqsi Yahay Badan Anigu Wan Jeclan Laha In Uu Ciyaaro Finalka Uu Maraqa Ka Cabo Real Madrid
Zaacky iphone
May 21, 2014 at 9:29 PM
Asc bro mandheer dumar maahan waa mandheerta fardaha plz