Atletico Madrid ayaa xaqiijisay in weeraryahankodoa Asal Brazil-ka ah ee qaatay dhalashada Spian Diego Costa uu halis ugu jiro inuu seego Finalka Champions League ee isbuua soo aadan ka dhici doona magaalada Lisbon.
Diego Costa ayaa badal lagu saaray ciyaartii ay kooxdiisa 1-1 la gashay Barcelona todobaadkaan isla markaana ay ku xaqiijiyeen hanashada horyaalka La Liga, balse inuu safto kulanka Real Madrid shaki aad ah ayaa laga muujinayaa madama dhaawac ragaadiyay xidigaan uu yahay dhanka Muruqa.
“Diego Costa wuxuu la xanuunsanayaa dhaawac dhanka muruqa ah oo kasoo gaaray lugta midig” ayey kooxda ku shaacisay bogga ay ku leedahay Twitter-ka.
Diego Costa ayaa xili ciyaareedkaan u dhaliyay kooxdiisa 36-gool dhamaan tartamada oo dhan inkastoo la filayo in xagaaga soo aadan uu ku biiro Kooxda Blues.