Home » Maxaa Cusub » Del Bosque: “Kama Cabsaneyno Holland”

Del Bosque: “Kama Cabsaneyno Holland”


Goolkii Andreas Iniesta ee Spain u sahlay ku guuleysiga Koobka Aduunka ee 2010


Tababaraha Xulka Spain Vincent Del Bosque ayaa shaaca ka qaaday in Wiilashiisa aysan cabsi ka qabin iney wajahaan Xulka kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunka ee 2010 Holland.

Labada xul ayaa ku kulmaya kulanka ugu horeeya Group B waxaana ay mar labaad is arki doonaan iyagoo isku soo arkay Finalkii Koobkii Aduunka ee 2010 markaas oo Andreas Iniesta uu dhaliyay gool wadnaha Jaray in badan oo dayowga reer Holland ah kaas oo yimid waqti ciyaarta dhamaadkeea uu ka hary 4-daqiiqo.

Del Bosque ayaa sheegay iney xushmeyn donaan xulka Holland, balse taas micnaheeda aysan aheyn iney ka cabsi qabaan wiilasha uu hogaamiyo Louis Van Gaal.

“Kama cabsaneyno Holland” Ayuu yiri Del Bosque kadib dhamadkii kulankii ay guusha ka gaaraan El Salvador, “Waan xushmeyneynaa xulka kaalinta labaad ka galay koobkii Aduunka ee aan ku guuleysanay”

“Dhamaan xulalka waxaa heysta dhibaatooyin, balse waxaan u shaqeyneynaa in ka badan koox leh ciyaariyahan shaqsi waxaana si fudud xal ugu heli doonaa dhaaacyadeena”

Sidoo kale Del Bosque ayaa amaanay David Villa kaas oo dhaliyay labadii gool ee ay xulka El Salvador kaga farxasheen.

“”Waan ognahay fiicnaanta David Villa waana mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan dunida” ayuu yiri Del Bosque.

“Waxaa jiri doono doorashoyin badan, daafaca iyo weerarkaba waxana sameyn doonaa sida nala fiican”

“Balse muhiim maahan inaan si fiican kaliya u ciyaarno ee waa inaan helnaa natiijooyin wax ku ool ah, waxaana rajeynayaa inaan helo doono fursad aan ku baastano”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close