[LONDON]: Kooxda Tottenham Hotspur ayaa iska ceyrisay tababare Tim Sherwood kaas oo lix bilood kaliya haayay xilka Kooxdaas, kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaana ku dhawaaqday goor dhaw.
Tim Sherwood ayaa la magacaabay bartamihii xili ciyaareedkaan markii kooxda laga ceyriyay Andres-Villas-Boas oo hatan tababare u ah kooxda Zenit ee dalka Russia.
Dany Levy oo ah gudoomiyaha naadiga ayaa xaqiijiyay ceyrinta tababare Tim Sherwood isagoo leh:
“Waan magacownay Tim Sherwood bartamii xili ciyaareedkaan, waxaana galnay heshiis 18-bilood ah oo hadii la doono la jabin karo dhamaadka xili ciyaareedka”
Tim Sherwood kulankiisii ugu dambeeyay wuxuu 3-0 ku dhuftay Aston Villa isagoo kooxda usoo saaray koobka Europa League kadib markii ay ku dhameesatay kaalinta 6-aad ee horyaaalka.