Nasiib darro weeraryahanka reer Agrentina Sergio Kun Aguero ayaa laga saaray ciyaara haatan socota ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Aguero ayaa dhaliyay goolka barbardhaca ee kooxdiisa ay kusoo barbareysay Everton daqiiqdaii 22-aad markii uu gool kala hormaray daqiiqadii 10-aad Ross Barkley.
Sergio Aguero ayaa kadib goolkiisii uu awoodi waayay inuu kubada sii ciyaaro markii uu xanuun dhanka muruqa ah dareemay, waana xidigaha ugu dhaawaca badan xiligaan Premier League.
Aguero ayaa xiligiisa inta badan xiligaan ku qaatay daaweyn waxaana haatan lagu badalay Fernandiho..