Kubad sameeyaha dhanka weerarka ee kooxda Borrusia Dortmund ayaa dhaawac looga saaray ciyaarta haatan dhexmareysa xulalka Germany iyo Armenia.
Musiibada Jarmalka ayaa bilaabatay waxaana xidigaan uu dhaawac kasoo gaaray lugta bidix isbitaal ayaana loo qaaday si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaca gaaray.
Mudo shan maalmood ah ayaa ka haray koobka Aduunka taasina waxey adkeyn kartaa in xidigaan uu kabsado isla markaana uu aado Brazil waana koobkiisii ugu horeeyay ee Aduun.
Wixii Kusoo kordha dhaawaca Marco Rues dib ayaad kala socon doontaan haduu eebe idmo.