Kooxda iska leh milkiyada xidiga reer Spain Ander Herrera ayaa si rasmi ah website-keeda ugu shaacisay in wiilkeeda da’da uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester United iyadoo kaga mahad celisay mudadii sadexda sano aheyd oo uu kooxda ku sugnaa.
Warbixintaan Waa Warbixintii ay Atletico Bilboa websitekeeda ku shaacisay in Ander Herrar uu ku biiray United
Warar kala duwan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay kasoo baxay arinta xidigaan waxaana maanta ay saxaafada ingiriiska qoreen laba war oo lidi isku ah inkastoo warkaas ay beenisay Atletico Bilboa.
Saakay aroortii hore ayey wargeysyada Ingiriiska qoreen in Herrera uu caafimaad u maray Manchester United iyadoo ku qaadatay 28.8 Malyan Oo Pound balse maamulka kooxda reer Spain ayaa warkaas beenisay xili dambe.
Ugu dambeyntiina warkaan waxaa xaqiijiyay oo website-keeda ku cadeeyay kooxda Atletico Bilboa oo si rasmi ah u shaacisay in wiilkeeda uu heshiis rasmi ah la gaaray kooxda Mancehster United isla markaana la dhameystiray wax walba oo ka hor tagnaa inuu noqdo saxiixii ugu horeeyay Louis Van Gaal ee Man United.
Lama Shaacin lacagaha ay isku fahmeen labada kooxood iyo heshiiska rasmiga ah oo uu xidigaan la gaaray kooxda United dib ayey kasoo bixi doonaan waana idinla socodsiin doonaa haduu eebe idmo.
Profile