Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Liverpool Oo Soo Afjartay Heshiiska Emre Can

DEG-DEG: Liverpool Oo Soo Afjartay Heshiiska Emre Can


Liverpool ayaa soo afjartay heshiiska xidiga khadka dhexe kooxda Bayer Leverkusen Emre Can kadib markii ay heshiis wada gaareen labada kooxood.

20-jirkaan reer Jarmal ayaa xili ciyaareedkaan Leverkusen u saftay 29-kulan oo Bundesliga ah isagoo dhaliyay 3-gool, waana wiil ku dhashay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Emre Can wuxuu kooxdiisa ka caawiyay iney soo gaarto Champions League xili ciyaareedka dambe, wuxuuna xili ciyaareedkii hore kaga soo biiray koxda Bayern Munich.

Emre Can ayaa kaliya 7-kulan ciyaaray tartanka Champions League isagoo xiran maaliyada Leverkusen xili ciyaareedkii haatan dhamaaday sidoo kalana wuxuu horay usoo ciyaaray Champions League da’yarta 21-jirada.

Waa saxiixii labaad ee Liverpool kadib markii ay todobaadkaan gudahiisa la saxiixatay Rickie Lambert oo ka tirsanaa Southampton.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close