Brazil ayaa isku diyaarineysa Koobka Aduunka xili wadankooda uu martigalinaayo Koobka waxaana boqolaal mudaharaadayaal ah ay hor istaageen Buska Xulka Brazil xili ay u socdeen xerada tababarka ay isugu diyaarinayaan koobka Aduunka.
Mudaharadaasha ayaan waxyeelo gaarsiin ciyaartoyda iyo buska xulka balse kaliya waxey muujiyeen mowqifkooda ku aadan koobka aduunka.
Mudaharadayaasha ayaa soo istaagay banaanka hotel ku yaala Rio de Janeiro halkaas oo macalin Luiz Felipe Scolari uu kula kulmay ciyaartoydiisa.
Dad badan oo careysan ayaa kasoo hor muuqday buska Xulka kuwaas oo kasoo horjeeda in Brazil ay martigaliso Koobka Aduunka bisha soo aadan lagu wado inuu ka bilowdo.
Waxey wateen boorar mid ka mid ahna uu ku qornaan: “Halkaan Kama dhici doono Koob” Iyagoo ku qeylinayay erayadaas.
“Koob Aduun kama dhici doono halkaan, balse waxaa dhici doonta shaqo joojin”
Xaaladaan ayaa imaaneysa xili Koobka Aduunka uu 16-maalin oo qura ay ka dhiman tahay waxaana walwal xoogan laga muujinayaa qabsoomida koobka Aduunka.
Sidoo kale Dowladda Brazil ayaa diyaarisay 157,000 oo askari oo sugi doona amaanka goobaha lagu qaban doono Koobka Aduunka.