Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Adam Lallana Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Liverpool (+ Sawiro)

DEG-DEG: Adam Lallana Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Liverpool (+ Sawiro)


Llalana

Liverpool ayaa dhameystirtay heshiiska kabtankii Southampton Adam Lallana kadib markii uu ku guuleystay tijaabadii caafimaad ee uu ku maray xerada tababarka Melwood ee gobolka Mereyside.

26-jirka heerka caalami ee xulka England ayaa heshiis waqti dheer ah qalinka ugu duugay kooxda Reds waana saxiixii labaad ee kaga imaanaya Kooxda Southampton kadib markii ay ka hor koobka Aduunka xaqiijiyeen Rickie Lambert.

Adam Lallana ayaa Southampton u saftay 250 kulan wuxuuna ka mid ahaa 2006 ilaa 2014 waana mudo 8-sano ah isagoo u dhaliyay 58-gool Mudadaas.

Adam Lallana ayaa kabtanka Kooxda Southampton loo magacaabay sanadii 2012, balse waayihii Saint ee Adam ayaa soo dhamaaday maanta kadib markii xidigaan uu si rasmi ah ugu biiray Liverpool.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close