Tababaraha xulka Italy Cesar Prandelli oo ku faraxsan in xulkiisa ay kulankii ugu horeeyay 2-1 kaga badiyeen dhigooda England balse macalinkan xarunta tababarka xulkiisa labadii maalmood ee ugu dambeesay kuma uusan qanacsaneyn waxa ka socdo waayo qaar ka mid ah xidigahiisa ugu muhiimsan ayaan soo xaadiraan tababarka Italy waxaana ka mid ah Daniele De Rossi iyo Andrea Barzagli labadan xidig ayaa safteen kulankii ugu horeeyay oo ay xulkooda cayaareen waxayna qabaan jug fudud balse lama xaqiijin inay seegi doonaan kulanka xiga oo ay Italy cayaari doonaan koobka aduunka, Sky Sport Italia ayaa sheegay in kubad bur buriye De Rossi uu qoorta jug ka qabo sidoo kalena uu awoodi waayay inuu sameeyo orod dheer sidaa darteed waxaa lagula taliyay inuu nasiini buuxdo sameeyo.
Andrea Barzagli isaga kulankii ugu horeeyay ayuu dhaawac ku cayaaray haatana jilibka ayuu xanuun ka dareemayaa wuxuuna gali doonaa nasiino labada maalmood ee nagu soo fool leh, balse aqbaar wanaagsan ayaa ka jirtay xerada tababarka xulka Italy madaama labad goolhaye ee xulkan ay kusoo laabteen tababarka Gianluigi Buffon iyo Mattia De Sciglio waxayna qabeen jug kala duwan oo diiday maalmihii ugu dambeesay inay tababar sameeyaan, goolhaye Buffon isaga kulankii Italy Vs England ayuu seegay balse haatan ruuf cadaagan diyaar ayuu u yahay kulanka xiga oo ay Italy la cayaari doonaan Costa Rica goolhayahan waaya araga ah waxaa la filaa in lagu soo bilaabi doono.