Home » Maxaa Cusub » David Moyes Oo Ay U Badan Tahay In Laga Ceyriyo Man United & Shaqsiyadkii Badali Lahaa Oo La Farmuuqay

David Moyes Oo Ay U Badan Tahay In Laga Ceyriyo Man United & Shaqsiyadkii Badali Lahaa Oo La Farmuuqay


Moyes Out

Xaalad cakiran ayaa ka jirta garonka Old Trafford iyadoo 24-saac gudahood ay wargeysyayada Ingiriiska isku raaceen in shaqada laga raacdeyn doono tababare David Moyes madama uu lumiyay kalsoonida qoyska Glazers hadana Daily Mail ayaaa u badisay in Moyes xilka laga qaadi doono Maanta.

Sida ay shaacisay Daily Mail Louis van Gaal ayaa ah askariga u diyaarsan inuu shaqada Manchester United ka badalo David Moyes iyado wararka qaar ay tilmaamayaan in arintaan uu ku lug leeyahay Robin Van Persie oo caafimaad ugu maqan dalka Holland.

Si Kastaba Macalinka Xulka Holland Louis van Gaal ayaa ah shaqsiga ugu dhaw ee ay soo farmuuqeen saxaafadda Ingiriiska inkastoo kulamada ka harsan horyaalka ay dhameyn doonaan Ryan Giggs iyo Nicky Butt oo is kaashan doona.

Waa marxaladii ugu xumeed ee soo marta Manchester United wali inkastoo wali aan si rasmi ah loo kala cadeynin xaalada macalinka reer Scotland David Moyes.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close