Kubad bur buriyaha xulka Italy Daniele De Rossi kana mid ah laacibiinta ugu waaya aragsan ee xagaagan koobka aduunka kasoo muuqaan doonaan ayaa si gaar ah uga hadla rajada xulkiisa ay ka leeyihiin hanashada koobka aduunka iyo sida uu u maareen karo ama u raaci karo hadii ay iska hor imaadaan inta uu koobka aduunka socdo labada laacib ee dunida ka yaabtay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri
“marnaba Messi iyo Ronaldo kulan koob aduunka ah iskama hor imaanin inkastoo ay yihiin labo cirfiid oo maaro laa waayay hadaa kama cabsanaayo waxaana diyaar u ahay inaan la dagaalamo hadii aan xagaagan masraxa aduunka isku helno!”
Ruug cadaaga xulka Italy kula guuleestay koobka aduunka sanadii 2006 asigoo u waramaayay wargeska Gazzetta dello Sport wuxuu yiri “sanadkan lama sadaalin karo cida ku guuleesan karto koobka aduunka balse waa hubaal hadii aan nahay reer Italy inaan xul adag wajihi doono diyaar ayaan u nahay wixii naga hor imaado Brazil, Germany, Argentina ama Spain kama cabsan doono waxaana kusoo tashanay inaan meel wanaagsan koobka aduunka ka gaarno”
Geeska kale De Rossi ayaa wax laga weydiiyay xidigaha uu aaminsan yahay inay koobka aduunka wacdaro ka dhigi doonaan waxaana afkiisa soo qabteen xidigaha kala ah Messi iyo Neymar oo uu sheegay inay wacdaro xoogan dhigi doonaan sidoo kalena Pirlo, Ozil iyo Iniesta ayaa uu sheegay inaan la dhayilsan karin xagaagan.