Home » Maxaa Cusub » Waa Kuma Saxiixa Cusub Ee Liverpool Emre Can? Warbixin + Muuqaalka Xirfadiisa

Waa Kuma Saxiixa Cusub Ee Liverpool Emre Can? Warbixin + Muuqaalka Xirfadiisa


emre-can-watch-the-reported-live

Liverpool ayaa shaacisay iney la saxiixatay da’yarka reer Jarmal ee kooxda Bayer Leverkusen Emre Can kaas oo ah saxiixii labaad ee Branden Rodgers uu sameeyo ka hor koobka Aduunka.

Hadaba Waa Kuma Emre Can?

Magaciisa Oo Buuxa: Emre Can

Dhashay:  12-January-1994

Da’da: 20-jir

Dhirirka: 1.86 m (6ft 1 in)

Booska: Kubad Sameeya/Burburiye

Da’yarkaan reer Jarmal wuxuu xirfadiisa kubada cagta kusoo qaatay kooaha Frankfurt, Bayern Munich & Bayer Leverkuse, Dhamaan wuxuu saftay 45-kulan, isagoo dhaliyay 5-gool.

Ku Darso xisaabta Emre Can wuxuu u dhashay dalka Turkiga wuxuuna dhalashadaas kala siman Yahay Ozil & Khedira oo labaduba kasoo jeeda qoomiyada turkida balse wuxuu jecleystay inuu u ciyaaro Xulka Jarmalka isagoo usoo ciyaaray da’yarta xulka 15-jirada, 17-jirada & 20-jirada.

Emre Can wuxuu 2013 kusoo biiray Bayer Leverkusen isagoo kasoo hayaamay kooxda Bayern Munich.

Emre Can wuxuu noqonayaa ciyaariyahankii 6-aad ee Jarmalka u dhashay ee xirta maaliyada kooxda Liverpool waxaana shantii xidig ee isaga ka horeysay ay ahaayeen: (Markus Babbel, Dietmar Hamann, Karl-Heinz Riedle, Christian Ziege & Yesil).

Maxay Ka Aaminsan Yihiin Dadka Kubada Cagta?

Karl-Heinz Rummenigge.

“Waa da’yarka ugu wanaagsan xidigaha Jarmalka wuxuuna la mid yahay sidii ay ahaayeen: Toni Kroos waqtigiisii Leverkusen, Lahm waqtigisii Stuttgart iyo David Alaba waqtigiisii Hoffenheim”

Daawo Xirfadaha Emre Can

Maxaad Ka aamintay Emre Can? Mase Yahay Sida loo buun-buuniyo, Muxuse kusoo kordhin karaa Liverpol?

Fikirkaaga waa muhiim ee noosoo qor

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Waa Kuma Saxiixa Cusub Ee Liverpool Emre Can? Warbixin + Muuqaalka Xirfadiisa

  1. XUDEYFa SYL Reply

    June 5, 2014 at 3:09 PM

    Wax bdn ayu kuso kor dhin donaa waayo marka aad firiso falsafada brnad rodgers oo ah fursad sinta da,yarta waxb ayu qaban donaa gar ahaan dhexda reds o ah mid lidata

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close