Dejan Lovren oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray naadiga Liverpool ayaa ku guul dareestay inuu xidigaha kooxdiisa kula biiro dalka Mareekanka madaama laacibkan dalabkii Visaha ama Dal Ku Galkii Uu Mareekanka ku gali lahaa uu waayay.
Lovren ayaa sheegay inuu ka xun yahay in codsigiisii uu fashilmay haatana daafacan awooda badan wuxuu tababar la qaadan doonaa xidigaha 21-jirada naadiga Liverpool madaama codsigii uu ku rabay inuu dalka Mareekanka ugu safro ku guul dareestay.
25-jirkan oo ka hadlaayay Visahii uu waayay wuxuu yiri “Nasiib daro si dhaqsi ah waan ku heli waayay dal ku galkii aan Mareekanka ku aadi lahaa sidaa darteed kooxdeyda Reds safar cayaareedka ay Mareekanka ku joogto makala qayb qaadan doono”
Tani waxay ka dhigan tahay Lovren oo dhawaan isaga soo tagay kooxda Southampton inuusan heli doonin tababar buuxdo oo u la qaato Reds balse daafacan ayaa isku kalsoon wuxuuna yiri “mudo todobaad ah xidigaha Liverpool tababar lama qaadan doono balse macalin Rodgers ayaa ka rajeynaa inuu iisoo diri doono casharada tababarka lagu qaato si aan dhankeyga u dadaalo waxaana rajeynaa inaan si dhaqsi ah Reds ula qabsan doono”
Lovren ayaa sugi doono mudo todobaad ah inuu Liverpool u safto markii ugu horeesay wuxuuna daafacan safan doonaa kulanka ay Reds garoonka Anfield ku qaabili doonto naadiga Dortmund todobaadka dambe kulan saaxiibtinimo oo horey jadwalka Liverpool ugu jiray.
Profile