Home » Europe » Champions League » Cristiano Ronaldo Oo Taageero Ka Dalbaday Dadyowga Lisbon Finalka Champions League

Cristiano Ronaldo Oo Taageero Ka Dalbaday Dadyowga Lisbon Finalka Champions League


Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa nasiib u yeelanaya inuu ku hor ciyaaro dadkiisa marka ay kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid isku wajahaan sabtida Finalka Champions League magaalada Lisbon ee dalka Portugal, xili dadka reer Portugal ay isku diyaarinayaan koobka Aduunka iney u sacab tumaan CR7.

Kadib 10-sano Real Madrid ayaa rajeyneysa iney soo afjarto abaarta ka heysata koobka Champions League kaliya Iker Casillas ayaa ka haray ciyaartoydii 2002-dii u qaaday Los Blancos koobkii Champions League iyo sidoo kale caawiyaha tababaraha Real Zidane.

Si Kastaba Ronaldo ayaa dadka reer Portugal gaar ahaan dadka dagan magaalada Lisbon ka dalbaday iney taageeraan kooxda Real Madrid Finalka Champions League.

Ronaldo ayaa haatan rikoor ku haya gooldhalinta horyaalka qaarada yurub isagoo dhaliyay 16-gool, 10-kulan oo uu saftay wuxuuna rikoorkaan ka qabtay Lionel Messi oo 2011-2012 dhaliyay 14-gool.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close