Wararka ka imaanayo dalka France ayaa sheegayo in xidiga naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo uu labo jeer kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta kooxda AS Monaco intii uu suuqa Yurub furnaa, Ronaldo oo lagu wado inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid ayaa ku sigtay xagaagii aan kasoo gudubnay inuu garoonka Bernabue isaga tago taasina waxay ku qasabtay kulamo gaar gaar ah la yeesho maamulka Monaco gaar ahaan Ronaldo wuxuu labad jeer la kulmay milkiilaha Monaco Mr. Dmitry Rybololev oo u balan qaaday Ronaldo inuu sanad walbo siin doono 20-milyan oo euro ah oo bila canshuur ah.
sida ay wargesyada France qoreen Ronaldo ayaa damac weyn ka galay inuu lacagtan faraha badan ka faa’iideesto balse kooxdiisa Real Madrid ayaa ka daba hadashay sheegteyna in laacibkan aysan marnaba iibin doono, cayaaryahan u dhashay dalka Portugal oo aan rabin inuu waji gabax iyo colaad kala kulmo taageeryaasha Madrid ayaa go’aankiisa ka laabtay wuxuuna iska dafiray inuu rabo bixitaan u gaar ah, haatan waxaa lagu wadaa in 22-ka bishan Ronaldo waxaa lagu wadaa inuu qalinka ku duugo heshiis 5-sano ah sidaa darteed mustaqbalkiisa cayaareed Real Madrid ayuu kusoo gaba gabeen doonaa sidaa darteed damacaii Monaco iyo kulamadii qarsoodida ku dhacay waxay noqdeen kuwo la mid ah caano dhulka ku daateen.