Home » Maxaa Cusub » Cristiano Ronaldo Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xulka Portugal Ka Hor Koobka Aduunka

Cristiano Ronaldo Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xulka Portugal Ka Hor Koobka Aduunka


Ronaldo Back Training

Kabtanka Xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay xerada tababarka xulka  ee New York tan iyo 23-kii May markaas oo ay kooxdiisa ciyaartay Finalkii Champions League.

Ronaldo ayaa laga dareemayaa dhaawac ku duugoobay iyo nasiino la’aan ku badatay isagoo si buuxda kaga qeyb qaatay tababarkii sabtidii ee xulkiisa. Ronaldo ayaan wali ka qeyb qaadan kulamadii saaxiibtinimo ee xulkiisa ay ciyaareen waxaana loo maleynayaa inuu seego kulanka ugu soo horeeya ee Jarmalka wuxuuna kula biirayaa liiska xidigaha dhaawaca kazoo toosay xidigii hore Chelsea Raul Meireles.

Dhanka kale daafaca Real Madrid Pepe ayaan wali bogsoon kaas oo mar kale raajo la saari doono si loo ogaao dhaawaca soo gaaray.

Portugal ayaa ku jirta group adag oo ay kula midoobeen: Germany, Ghana & USA waana groupka G.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close