Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo kana tirsan kooxda Real Madrid ayaa caalamka ka marag kaceen inuu saameyn culus ku leeyahay dadka ku kala nool dhamaan qaaradaha aduunka madaama Wargeska The Times oo ku caan baxay inuu falan qeeyo shaqsiyaadka aduunka ugu dhaq dhaqaaqa badan u doortay inuu Cristiano Ronaldo ka mid yahay 100-ka shaqsi ee caalamka ugu saameynta balaaran, xogtaan waxaa soo xigtay wargeska Marca oo ah midka ugu caansan dala Spain waxaana la sheegay in Ronaldo caannimadiisa iyo waxqabadkiisa cayaareed ee aadka u sareeyo uu sababay inuu awood ku yeesho saameynta nolosha dadka caadiga ah ee daafaha caalamka ku kala nool.
Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah kaliya 4-shaqsi ee Sports-ka cayaarto kuwaas oo lagu daray liiska 100-ka qof ee caalamka ugu saameynta balaaran waxayna shaqsiyaadkaas kala yihiin Serena Williams oo Tennis-ka cayaarto, Richard Sherman oo kubada NFL cayaaro iyo Lydia Ko oo cayaarta Golf-ka cayaarto. Boqorka kubada cagta Pele ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna amaan gaar ah usoo jeediyay Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri “la yaab ma ahan Ronaldo in loo aqoonsado haatan cayaaryahanka aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena uu ka mid noqdo shaqsiyaadka caalamka ugu saameynta balaaran aniga xushmad gaar ah ayaan u hayaa sidoo kalena wuxuu isoo xasuusiyay saaxiibkeygii qaaliga ahaa Eusebio oo aan haatan nala joogin”
Liiska 100-ka qof ee aduunka uu saameynta balaaran waxaa Ronaldo ku wehliyaan shaqsiyaad caalamka caan ka ah sida Beyonce, Pope Francis iyo Vladimir Putin.