Home » Europe » Champions League » Cristiano Ronaldo: “Jamaahiirta Los Blancos Xaq Ayey U Leeyihiin Iney Ku Waashaan La Decima”

Cristiano Ronaldo: “Jamaahiirta Los Blancos Xaq Ayey U Leeyihiin Iney Ku Waashaan La Decima”


CR7 2

Mudo 12-sano ah ayaa haatan laga joogaa markii ay kooxda Real Madrid ku guuleesatay markeedii 9-aad koobka horyaalada Yurub wixii habeenkaas ka dambeeyay ilaa haatan taageerayaasha Madrid waxay ku riyoodaan hanashada markii 10-aad Champion-ka dabcan riyadaas qaabkii ay ku rumoobi laheed marnaba ma hirgalin waxaana xilka Madrid laga racadeeyay 11-macalin laga soo bilaabo sanadii 2002, balse xili cayaareedkan wax walbo wey isbadaleen waxaan hogaanka la wareegay tababare Carlo Ancelott oo u baahan kaliya inuu Talaadada ka taqaluso naadiga Bayern Munich si u Madrid kama dambeesta Champion-ka u gaarsiiyo, hadaba hogaamiyaha Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa difaacay jaceelka waalida ah oo ay taageerayaasha kooxdan faca weyn koobkan qiimaha badan u qabaan.

Ronaldo oo la hadlaayay wargeska Marca wuxuu yiri “Ma sahlano ku guuleysiga Champion-ka waxaana marag kuugu filan in 3-sano oo xariir ah inaan ku harnay nus dhumaadka tartankan balse xaq ayaan u leenah inaan ku waalano hanashada La Decima waayo taageero walbo qalbigiisa riyo qaali ah ayaa ku jirto anagana waxaan diyaar u  nahay ugu dambeyntii La Decima inaan gacanta ka saarno taageerayaasheena qiimaha bada” Ronaldo ayaa aaminsan in Habeenka Talaadada Real Madrid ay mari doonto tijaabadii ugu cusleed wuxuna yiri “Bayern oo ah naadiga aduunka ugu wanaagsan ayaan la wadanaa natiijo wanaagsan sidaa darteed Talaadada waa hubaal tijaabadii ugu cusleed ayaan mari doonaa waxaana ku rajo weynahay inaan ka gudbi doono dhib walbo oo aan marno habeenkaas!”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close