Home » Horyaalada » La liga » Chelsea Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Mashiinka Dhaqaajiyo Naadiga Atletico Madrid.

Chelsea Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Mashiinka Dhaqaajiyo Naadiga Atletico Madrid.


Chelsea oo baahi weyn u qabto xidig khadka dhexe ku wanaagsan kaasi oo booska Frank Lampard buuxin karo waxay sheegtay inay haatan u weecatay soo xero galinta mashiinka kooxda Atletico Madrid dhaqaajiyo hi-res-186208746-koke-resurreccion-of-atletico-de-madrid-runs-with-the_crop_exact inkastoo xidigan ay kooxo badan isku heestaan saxiixiisa kooxha Barcelona iyo Man United hadana Chelsea ayaa isku kalsoon waxayna sheegtay inay bixin doonto qiimo walbo oo ay Atletico dul dhigto xidigan hormarka lala yaabay sameeyay 12-bilood ee aan kasoo gudubnay, wararka ayaa intaas ku daraayo in Chelsea ay ka faa’iideesan doonto xiriirka wanaagsan oo ay Ateltico la leedahay.

Koke ayaa xili cayaareedkii dhawaan dhamaaday kooxdiisa Atletico u saftay 36-kulan La Ligaha Spain asigoo dhiibay 13-kubadood oo ay xidigaha kooxdan dhaliyeen sidoo kalena 67-fursadood oo gool loo filan karay auu xidigan abuuray sidaa darteed macalin Jose Mourinho ayaa aaminsan in 22-jirkan hadii uu xili cayaareedka dambe ku lamaaneeyo Namenja Matic in kooxdisa Chelsea ay ku guuleesan karto dhamaan tartamada ay ka qayb qaadan doonto, balse waxaa hubaal ah in Chelsea aysan qiim jaban ku heli doonin  Koke madaama kooxdiisa Atletico ay horey u dul dhigtay 60-milyan oo euro ah sidoo kalena xidigan diyaar uma ahan inuu haatan mustaqbalkiisa cayaareed go’aan ka gaaro madaama uu ku mashquulsan yahay sidii uu xulkiisa Spain koobka aduunka kala qayb qaadan lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close