Naadiga Chelsea ayaa si rasmi ah u sheegtay inay ruug cadaa Tiago heshiis la gaartay sidoo kalena uu xidigan dib ugu soo laaban doono xagaagan garoonka Stamford Bridge mudo sanado kadib, wargeska Daily Mail ayaa sheekadan si rasmi ah u xaqiijiyay, madaama 33-jirka reer Portugal qandaraaskii uu Atletico Madrid kula jiray wuu dhamaaday sidaa darted xur ayuu u yahay naadigii uu doono inuu ku biiro wuxuuna go’aansaday inuu Chelsea mar labaad la shaqeeyo madaama macalinkiisii hore Jose Mourinho uu fariin ka helay, inkastoo da’diisa horey usii badatay hadana Tiago xili cayaareedkan dadaal dheeri ah ayuu muujiyay kooxdiisa Atletico kula guuleestay La Ligaha sidoo kalena koobka horyaalada Yurub Final ayuu lasoo gaaray.
Tiago sanadii 2005 ayuu Chelsea isaga tagay wuxuuna markaas ku biiray naadiga Lyon asigoo qayb ka ahaa heshiiskii Michael Essien uu London ku yimid xiligaas haatana mudo 9-sano kadib ayuu Chelsea dib ugu soo laaban doonaa, weliba Mourinho hada ka hor ayuu saxaafada u sheegay inuu ku qaldanaa go’aankii uu Tiago Chelsea kaga diray haatana macalinkan waaya araga ahaa sheegay inuu qaladkiisii dib u saxay madaama uu Tiago ka dhaadhiciyay inuu Blues dib ugu soo laabto, Tiago sanadii 2010 ayuu Atletico Madrid ku biiray balse wuxuu sheegay inuu kooxdiisa macsalaameeyay sidoo kalena halgan cusub uu Premiership-ka England ka bilaabi doono.