Wiilasha Jose Mourinho ayaa muujiyay awoodooda iyagoo guul weyn ka gaaray kooxda reer Holland ee Vitesse Arnhem oo ay bahwadaaga hoose yihiin, ciyaar aad u xiiso badneyd.
Muranlowga Asal Brazilka ah balse qaatay dhalashada Spain ayaa markii ugu horeysay isagoo xiran maaliyada Blues murankiisii bilaabay kadib markii ay is dhaafeen kabtaanka Vitesse Guram Kashia.
Sidoo kale Cesc Fabregas ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub kadib markii uu dhaliyay laad xor ah oo goolka u jiray 25 talaabo.
Mark Van Ginkel ayaa ka hor yimid kooxdiisii hore, waxaana Blues ay si raaxo leh uga adkaatay Vitesse ciyaarta oo ugu dambeyn kusoo dhamaatay 3-1.
Blues ayaa furtay bandhiga goolasha Mohamed Salah ayaana daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta shabaqa la helay kubad uu hadiyad ahaan uga helay Diego Costa.
Fabregas ayaa u labeeyay kaas oo isna laad xor ah oo goosha u jiray 25-yaardi shabaqa cuskiyay daqiiqadii 23-aad ee isla qeybtii hore ciyaarta.
Qeybtii koowaad ayaa kusoo idlaatay 2-0 oo ay hogaanka ku heyso Blues, markii qeybtii dambe la isku soo laabtay geesiga reer Serbia Matic ayaa hogaanka u dheereyay Blues kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-0.
Ugu dambeyntiina Uros Djurdjevic ayaa gool niyad dhis ah u dhaliyay kooxdiisa Vitesse kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 oo ugu dambeyntii uu garsooraha seeriga dhamaadka ciyaarta ku yeeriyay.
Kulankaan waxaa kursiga keydka fadhiyay boqorka Blues Drogba oo dib ugu soo laabtay kooxda iyo da’yarka reer Belgium Thibaut Courtios.
DAAWO MUUQAALKA CIAYARTA
Profile