Thorgan Hazard oo ah Da’dii ka yareyd Eden Hazard ayaa loo coddeeyey inuu yahay Xigidii ugu wanaagsanaa Sanadkaan Wadanka Belgium, Xilli Macalin Mourinho uu wacad ku maray inuu ku dari doono Line Up-ka Hore ee Kooxda Chelsea, isagoo Amray inuu dib ugu soo laabto Kooxda Chelsea oo markii hore amaah ku dhiibtay .
Macalinka Chelsea ayaa daawaday Kulan Thorgan Hazard kooxdiisa Waregem ay 2-1 uga adkaadeen Anderlecht Khamiistii, isagoo saxaafada u sheegay in wiilkaan uusan aheyn xiddig laga tagi karo sidaas darteedna uu go’aan ku gaaray inuu ku daro liiska Kooxda Chelsea ee cayaareysa Kulamada ka horeeya Horyaalka Ee saaxiibtinimada (Pre-Season).
Waxaa la ogyahay in Eden Hazard uu ka tirsan yahay Kooxda Chelsea isla markaana uu jiro Khilaaf weyn oo soo kala dhex galay isaga iyo Mourinho lamana oga saameynta uu khilaafkaan ku yeelan karo Mustaqbalka Wiilkaan yar ee Thorgan Hazard.
dhanka kale kooxda Liverpool ayaa dadaal dheer ugu jirto sidii ay u heli laheyd Xidigaan, waxaana sidoo kale liiska kooxaha doonayo wiilkaan yar ka kamid ah Everton iyo Schalke.
Waa Taageerayaasha Kooxda uu amaahda kula joogo oo aad u Jecel magaciisana Kusoo Qortay Boorarka.
Daawo Video-Gaan: Waxaad U Moodaa Xidigaan Maradona oo Kale sida uu kubadda u gambinaayo