Home » Maxaa Cusub » Cazorla oo ka saaciday inay Arsenal hogaanka sii heyso, Man City oo diidan inay quusato iyo dhamaan kulamadii Premiership-ka la cayaaray

Cazorla oo ka saaciday inay Arsenal hogaanka sii heyso, Man City oo diidan inay quusato iyo dhamaan kulamadii Premiership-ka la cayaaray


EPL

Naadiga Arsenal ayaa weli ah hogaamiyaha Premiership-ka England kadib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Fulham cayaar ka dhacday garoonkeeda Emirates waxayna guushan kaga mahad naqee xidigeeda reer Spain Santi Cazorla oo shabaqa ku hubsaday labada gool, wiilasha macalin Wenger waxay ku qaadatay ilaa qaybta dambe ee cayaarta inay daafaca Fulham jebiyaan waxaana goolka ku daah furay Cazorla daqiiqadii 57-aad, kooxda Fulhma oo weli kasoo kaban goolka looga naxsaday waxaa cayaarta durbadiiba 2-0 ka dhigay Cazorla daqiiqaqii 62-aad natiijan ayaa ka dhigan in Arsenal ay hogaanka xajisatay sidoo kalena ay gaartay guusheedii 5-aad oo xariir ah.

Santi Cazorla (C) Olivier Giroud (L) Arsenal v Fulham EPL 01182014

Dhanka kale Man City oo iyadana diiday inay Arsenal ka daba harto ayaa 4-2 ku qaarijisay naadiga Cardiff City waxaana xusid mudan Eden Dzeko uu nasiib u yeeshay in goolkii 100-aad oo ay City xili cayareedkan dhalisay inuu isaga shabaqa ku hubsado daqiiqadii 14-aad, balse kooxda Cardiff ayaa jawaab dag dag ah bixisay waxaana cayaarta 1-1 ka dhigay Craig Noone daqiiqadii balse xidiga reer Spain Navas ayaa cayaarta ka dhigay 2-1 daqiiqadii 33-aad, markii la isku soo laabtay qaybtii dambe Yaya Toure ayaa cayaarta ka dhigay 3-1 daqiiqadii 77-aad halka Sergio Aguero oo dib ugu soo laabtay Premiership-ka tan iyo bishii December ayaa cayaarta 4-1 ka dhigay daqiiqadii 79-aad ugu dambeyntii Cardiff ayaa heshay goolkeedii 2-aad waxaana u dhaliyay Fraizer Campbell.

Edin Dzeko Manchester City Cardiff City Premier League 18012014

Dhanka kale kooxda New Castle ayaa guul muhiim ah kusoo gaartay garoonka naadiga West Ham waxayna kaga badisay 3-1 guud ahaan kooxaha wada cayaareedn sidan ayay ku kala baxeen:

Sunderland 2-2 Southampton

Arsenal 2-0 Fulham

Crystal Palace 1-0 Stoke

Manchester City 4-2 Cardiff

Norwich 1-0 Hull

West Ham 1-3 Newcastle


Waxaa Aqrisay: (303)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>