Kooxda heerka labaad ka cararka ah ee Catania ayaa cashar lama iloobaan ah gurigeeda ugu dhigtay Roma oo hami ka laheed hanashada horyaalka Talyaaniga oo ay hogaanka u heysay kooxda Juventus, waxaana Roma ay la kulantay guuldaradii ugu xumeed xili ciyaareedkaan markii 4-1 lagu xaaqay.
Mariano Julio Izco, Gonzalo Bergessio iyo Pablo Barrientos ayaa kala qeybsaday afarta gool ee afka ciida loogu galiyay naadiga boqortooyada Caasimadda Roma inkastoo goolka agoonka ah ay ka heleen kabtankooda Francesco Totti.
Laba gool oo uu dhaliyay Izco ayaa qeybta hore lagu marsiiyay Roma waxaana xiligaas ay la timid gool niyad dhis ah oo uu dhaliyay Totti, balse Bergessio iyo Barrientos ayaa dhameystiray noloshii Roma ee hanashada horyaalka waxaana haatan loo caleemo saaray kaalinta labaad ee horyaalka iyadoo kasoo qeyb gali doonta Champions League.
Guuldaradaan soo gaartay Roma waxey sahal ka dhigtay in lagu kala baxo horyaalka Talyaaniga Juventus ayaana markeedii sadexaad oo xiriir ah qaaday.
Catania ayaa hal darajo kor usoo kacday iyadoo timid booska 19-aad balse wali ma xaqiijin heerkeeda labaad madama ay laba kulan harsan tahay.