Home » Europe » Champions League » Carlo Ancelotti: “Sergio Ramos Waa Sida Paolo Maldini”

Carlo Ancelotti: “Sergio Ramos Waa Sida Paolo Maldini”


Ramos and Maldini

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa amaanay daaficiisa reer Spain Sergio Ramos isagoo la barbardhigay halyeeygii reer Milan iyo xulka Azzurri Paolo Maldini.

Tababarahaan reer talyaani ayaa sanadkiisii ugu horeeyay u qaaday Real Madrid Champions League iyo Coppa Del Rey halka uu Ac Milan u qaaday laba Champions League waxaase gacan weyn ka siiyay xiligaas Paolo Maldini oo ahaa kabtankii Milan ee xiliyadaas.

Carlo Ancelotti oo warysi siinayay TV-ga Real Madrid ayaa aad u amaanay daafaca reer Spain Sergio Ramos madama uu qeyb libaax leh ka qaatay guulaha Real Madrid ee xili ciyaareedkaan isagoo markaas la barbardhigaya Paolo Maldini.

“Tan iyo Ciidii Christmas Sergio Ramos wuxuu sameeyay kala duwanaasho baahsan” Ayuu Ancelotti yiri.

“Waa go’aamiyihii koobabkii aan qaadnay”

“Wuxuu sameeyay wax walba oo uu sameeyay Maldini, Shaqsiyan, tayada Farsamo, iyo awooda hogaamiyanimo ee garoonka dhexdiisa”

“Waligey qofna lama barbardhigin Maldini, balse Sergio waa daafaca ugu wanaagsan aduunka waqti xaadirkaan”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close