Home » Maxaa Cusub » CALAACAL BADANAA Nemanja Vidic: “Hadan Ogahay In Moyes La Ceyrinayo Kama Tageen Man United”

CALAACAL BADANAA Nemanja Vidic: “Hadan Ogahay In Moyes La Ceyrinayo Kama Tageen Man United”


Vidic

Kabtan Nemanja Vidic oo bilawgii todobaadkan kooxdiisa Man United macsalaameeyay sidoo kalena xagaagan si rasmi ah ugu biiri doono naadiga Inter Milan ayaa ka shalaayay go’aankii uu garoonka Old Trafford kaga tagay wuxuuna daafacan sheegay inuu waligiis jeclaa baaqi ku ahaan shaha magaalada Manchester balse bilooyin ka hor uu go’aankiisa badalay markii uu aad u dhibsaday hogaanka David Moyes.

Sidoo kalena Vidic wuxuu aaminsanaa in Moyes uu sanado badan United sii joogi doono sababtaas ayaa ku qasabtay inuu ruug cadaagan kooxdii uu waligiis jeclaa inuu isaga hayaamo wuxuuna sheekadan ka yiri “ma ahan go’aam ii sahlan inaan Man United isaga tago balse David Moyes ayaan aad u dhibsaday waxaana islahaa Moyes ayaa sanado badan Old Trafford sii joogi doono nasiib daro hadii aan ogaan lahaa in la racadeen doono marnaba United kama tageyn!”

Nemanja Vidic ayaa sidoo kale sheegay in hada ka hor uu marar badan ku sigtay inuu Man United ka tago madaama ay qoyskiisa ku cadaadin jireen inu nolol cusub ka bilaabo dalalka Spain ama Talyaaniga wuxuuna Vidic sheegay hadii uusan daacad u ahayn United inuu xiligaas isaga tagi lahaa wuxuuna yiri “marar badan ayaan United nafteyda u huray xitaa waxaan ka hor imaaday rabitaanka qoyskeyga si aan Old Trafford baaqi ugu sii ahaado balse sanadkan inaan Manchester isaga tago Moyes ayaa igu qasbay waxaana ka xumahay inaan go’aankeyga qaatay xili hore”

Daafacan waaya araga ah heshiis 2-sano ah ayuu kooxda Inter Milan u saxiixay waxaana lagu wadaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Serie A-da dalka Talyaaniga madaama uu United si rasmi ah uga hayaamay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close