Home » Maxaa Cusub » Brazil & Mexico Oo Is Dhaafi Waayay Kulan Cajiib Ahaa Oo Gool La’aan Kusoo Dhamaaday

Brazil & Mexico Oo Is Dhaafi Waayay Kulan Cajiib Ahaa Oo Gool La’aan Kusoo Dhamaaday


Ochoa

Kulankii labaad oo ka tirsan koobka Aduunka ayaa kusoo dhamaaday gool la’aan 0-0 ah ciyaar xiiso laheyd oo wadamada reer Ameerika ku dhexmartay dalka Brazil.

Super saver: Ochoa gets in the way on the stroke of half-time as David Luiz (left) and Paulinho lurk

Kulan Mucjiso gaar ah lahaa oo ka mid ahaa kulamadii labaad ee groupka A ayaa dhexmaray wadamada Brazil iyo Mexico kuwaas oo gool la’aan ku dhameystay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Guillermo Ochoa oo ah goolhayaha Mexico kas oo u ciyaara kooxda Ajaccio ee dalka Faransiiska ayaa sameeyay taariikh baal dahab ah ka gashay koobka Aduunka, wuxuuna badbaadiyay in ka badan 5-kubadod kuwaas oo gool loo fishay wuxuuna noqday xidigii ugu fiicnaa kulankaas.

No way past: Mexico goalkeeper Guillermo Ochoa makes a superb instinctive save from Thiago Silva (centre)

Neymar JR ayaa laga badbaadiyay madax gool loo fishay qeybta hore ee ciyaarta kadib kubad koorne ka timid, sidoo kale Neymar ayaa isku dayay inuu ka faa’iideysto kubad uu madax ku caawiyay Thiago Silva balse lagama yeelin.

Bernand ayaa karoos ka keenay dhanka bidix ka hor inta uusan Neymar xabadka ku koontoroolin kubad qatar aheyd isagoo lugta bidix ku darbeeyay darbo culus balse goolhaye Ochoa ayaan ka yeelin.

Mar kale Thiago Silva ayaa waqtiyadii ugu dambeeyay sameeyay isku day cajiib ah markii uu madax la beegsaday goolka Mexico balse lagama yeelin.

Rafael Marquez of Mexico

Mexico ayaa sameysay isku day qurux badan markii ay goosha la beegsadeen kubad darbo culus ah balse Julio Cesar ayaa ka badbaadiyay.

Ugu dambeyntii kulankii Mexico iyo Brazil ayaa kusoo idlaaday 0-0, taasoo ka dhigan in labada kooxood ay wadar ahaan siman yihiin tirada dhibcaha oo ah min 4-dhibcood.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close