Xulka Brazil ayaa rigoorayaal 3-2 ah uga soo gudbay dhigooda Chile ciyaar aad u xamaasad baneyd oo labada xul dhexmartay kadib markii 120-daqiiqo oo ay wada ciyaareen ay kusoo idlaatay 1-1.
arcelo ayaa daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta sameeyay beegsigii ugu horeeyay ciyaarta markii uu kubad bidix ah goosha Chile la beegaday balse meel goosha u dhaw ayey martay.
David Luiz ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay koobka Aduunka kadib markii uu gool lama filaan ah ka dhaliyay Chile kubad koorno aheyd oo ka timid Neymar siina martay Gustavo daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta.
Xidigaha xulka Chile ayaa gacan ku heynta ciyaarta la wareegay kadib goolkii Brazil iyagoo weerar xoog leh ku qaaday goolka Julio Cesar uu waardiyaha ka yahay inkastoo daafaca adag ee Jaalayaasha kubadii ay dhaafin waayeen.
Neymar JR ayaa weerar gaadmoa h helay isagoo orod ku galay diilinta ganaaxa balse xidiga Barcelona ayaa lugtiisa bidix ku darbeeyay kubad jilcan daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta.
Dadalkii Chile ayaa banaanka is keenay markii Alexis Sanchez uu dhaliyay goolka barbardhaca ee Chile waana goolkiisii labaad ee koobka Aduunka daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta.
Goolka Brazil ka dhashay ayaa ahaa qalad ka yimid daafaca dambe ee Brazil kuwaas oo baas gaaban isku baasay, Alexis Sanchez ayaana ka faa’ideystay.
Kadib barbarihii Sanchez Brazil ayaa sameysay dadaal dheeri ah iyo dhiiranaan sare markii ay weerar ku qaadeen goolka Chile, Neymar JR ayaana u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Jaalayaasha markii uu madax goosha la agmaray inkastoo ay xidig Chile ah kusii dhacday daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta.
Xamaasada Ciyaara ayaa sara martay iyadoo labada xul ay ciyaarayaan kubad xoogan oo raacid fara badan ay u dheer tahay.
Brazil ayaa mar kale ku dhawaatay iney hogaanka u qabato kadib markii Neymar iyo Fred ay qasaariyeen laba fursad oo gool loo fishay, Neymar ayaa goosha la galay kaas oo xariiftankii laga diiday, sidoo kalana Fred ayaa meel cidlo ah ka helay balse kor ayey uga kacday daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta.
Cadaadiska Brazil ayaa sii badanaya iyadoo Dani Alves uu darbo culus la beegsaday goolka Chile balse goolhayaha kabtanka u ah xulka ayaa iska saaray oo koorno ka dhigay daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta.
Fred ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dhiibi karay Brazil balse daafaca Chile ayaa ka badbaadiyay inkastoo mar kale uu laad soo dhexdhigay goolka Bravo ayaana ka saaray daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.
Neymar ayaa ka fa’ideystay qalad ay galeen xidigaha khadka dhexe ee Chile balse daafaca ayaa ka diiday inuu la galo goosha, Fred ayaana madax fashilmay sameeyay karoos uu Neymar soo dhigay daqiqiadii 45-aad.
Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Chile ayaa u dhawaatay iney hogaanka qabato markii kubad ay qaldeen daafaca Brazil uu Sanchez lasoo galay goosha isagoo u xaluuliyay Diaz Daafaca Brazil ayaana isku daadiyay oo koorno kaga saaray kubad halis aheyd.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1 iyadoo labada dhinac ay soo bandhigeen kubad xoog ku dhisneyd.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo natiijada wax laga badali waayay waxeyna ugu dambeyn kusoo idlaatay 1-1, sida sharciga ahna waxaa lagu daray 30-daqiiqo oo si la mid ah barbaro ku dhamaatay
Ugu dambeyntii Brazil ayaa rigoorayaal 3-2 ugu soo gudbay wareega 8-da
Profile