Home » Europe » Europe League » Branislav Ivanović Oo Loo Doortay Laaacibka Ugu Wanaagsan Dalka Serbia

Branislav Ivanović Oo Loo Doortay Laaacibka Ugu Wanaagsan Dalka Serbia


Ivanovic

Kabtanka xulka Serbia Branislav Ivanović aya sanadkii labaad oo xariir ah ku guuleestay laacibka ugu wanaagsan dalkiisa hooyo wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee labo sano oo xariir ah biladan ku guuleesto, daafacan ka tirsan kooxda Chelsea ayaa loo aqoonsaday inuu yahay shaqsiga ugu wanaagsan Serbia madaama uu Chelsea xili cayaareedkii hore guulo taariikhi ah la qeebsaday kadib markii uu kula guuleestay tartanka UEFA Europa League.

Cod bixin buuxdo oo ay sameeyeen xubnaha ku mideesan xiriirka kubada cagta Serbia ayaa u doorteen Ivanovic inuu yahay xidiga ugu wanaagsan sanadkan 2013 dhamaan laacibiinta u dhalatay dalka Serbia, Branislav Ivanović ayaa ku farxsan inuu noqday cayaaryahankii 3-aad oo labo jeer abaal marintan ku guuleesto wuxuuna la mid noqday Dejan Stanković (2006, 2010) iyo Nemanja Vidić (2005, 2008) balse labadaan xidig wuxuu Ivanovic dheer yahay inuu labo sano oo xariir ah abaal marintan ku guuleestay, 29-jirkan ayaa u mahad celiyay xiriirka kubada cagta dalka Serbia wuxuuna ka balan qaaday inuu dadaalkiisa sii wadi doono.

 Dhanka kale Ljubinko Drulović ayaa loo doortay macalinka ugu wanagsan dalka Serbia madaama uu dhawaan xulka Serbia ee da’dooda ka hooseyso 19-sano u qaaday tartanka qaramada Yurub xagaagii aan kasoo gudubnay.


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Branislav Ivanović Oo Loo Doortay Laaacibka Ugu Wanaagsan Dalka Serbia

  1. laqaaye Reply

    December 29, 2013 at 12:06 AM

    hanbalyo hanbalyo waa uqalmaa in lasiiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close