Sida ay qortay Jariiradda Goal.com qeybteeda Ghana gabadha ugu quruxda badan Africa sanadkaan ee Garranzer Naa Okailey Shooter ayaa taageero u muujisay Xulka Ghana ka hor kulanka ay caawa fiidkii xiliga geeska Africa yeelan doonaan xulalka Masar iyo Ghana kulankaas oo ka dhici doona Garoonka Baba yara Sports Stadium ee Magaalada Kumasi.
Xulalkaan ayaa caawa is fara saari doona markaas ay yeelan doonaan lugta hore inkastoo Masar la aadi doono lugta labaad.
Gabadhaan 23-jirka ah ayaa sidoo kale gashay kaalinta Sadexdaan gabdhaha ugu quruxda badan Aduunka markii xaflad sanadeedka lagu qabtay Indonesia.
Garranzer Naa Okailey Shooter: “Kaliya Xulka Black Stars [Ghana] ayaan taagere u ahay” ayey u sheegtay Goal.com.
“Waxaan la mid ahay shaqsi walba oo Ghana u dhashay u riyaqida daawashada kulan walba oo Ghana ay ciyareyso, waxaana darena daren wanaagsan xiliga ay ku adkeystaan Midowgeena”
“Waxaan Filayaa Iney 2-0 Ku Badin doonto Ghana”
Garranzer Naa Okailey Shooter ayaa qirtay in Xulka Masar uu yahay xul awood leh isla markaana ka mid ah xulalka ugu fiican Africa balse, “Waan garaaci Doonaa’” ayey kusoo afjartay hadalkeeda.