Home » Maxaa Cusub » Booliska Liverpool Oo Taageeraaasha Man United Ka Eryay Meel Qamriga Lagu Cabo Ka Hor Kulanka Everton

Booliska Liverpool Oo Taageeraaasha Man United Ka Eryay Meel Qamriga Lagu Cabo Ka Hor Kulanka Everton


Mounted riot police clash with Ajax fans ahead of the game with Manchester United

Booliiska ayaa ku waramay iney ka eryeen koox taageerayaasha Manchester United ah meel qamriga lagu cabo oo ku taala Liverpool ka hor kulankii Everton ee dhacay Axadii.

Maamulka Baarka Qamriga lagu iibinayay Thomas Frost ayaa booliska ka dalbaday in laga eryo baarka Taageerayasha Man United kadib markii ay ku heeseen erayo lidi ku ah gobolka Mereyside-ka “Oh! Gobolka Mereyside-ka waxaa ka buuxa doqomo”

Markii ay Booliska yimaadeen, mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Man United ayaa ku qeyliyay: “Waxaa nahay Man United, waxaana sameyneynaa wax walba”

Sida ay shaacisay  101greatgoals.com Booliiska ayaa ku guuleystay in taageerayaasha Man United ay ka eryaan baarka isla markaana ay usoo kaxeeyaan garoonka Goodison Park halkaas oo guuldaro 2-0 ah ay ku qabsatay kooxdiisa”

Manchester United ayaase iska hilmaantay tartanka Champions League xili ciyaareedka soo aadan madama ay 13-dhibcood ka hooeyso Arsenal oo ku jirta booska afaraad iyadoo heysata 4-kulan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close