Xulka Belgiumka ayaa guuldaro ka badbaaday isla markaana helay guushii ugu horeysay koobka Aduunka kadib markii ay 2-1 kaga talaabsadeen xulka Afrika kasoo jeeda Belgiumka.
Algeria ayaa bilowday bandhiga goolasha garoonka markii Sofiane Feghouli uu rigoore hogaanka ugu dhiibay dawacooyinka cad-cad wadanka lagu neynaaso, isaga ayaana qalad laga galay daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.
Feghouli ayaana usoo istaagay oo ansixiyay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.
Si Kastaba qeybta hore ee ciyaarta waxaa lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka k hayaan xulka Algeria balse laba badal oo uu sameeyay tababare Wilmots ayaa isbadal xoog leh sameeyay.
Fellaini oo ay qaati ka tagan yihiin Jamaahiirta Man United ayaa barbaro u keenay xulka Belgiumk kaas oo qeybtii labaad badal kusoo galay daqiiqadii 70-aad ayuuna dhaliyay goolkiisa.
Wiilka gaaban ee xulka Belgiumka iyo kooxda Napoli Mertens ayaa isagana kaalintiisa qaatay kaas oo dhaliyay goolka sadexda dhibcood siiyay Belgiumka.
Waa dalkii Sadexaad oo Afrikaan ah oo guuldaro la kulmay kadib Cameroon & Ghana.