Kadib markii sabtigii aan kasoo gudubnay naadiga Bayern Munich ay guuldaro 3-0 kala kulantay anadiga Salzburg ee ka dhisan dalka Austria macalin Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay dhan walbo ka dhisan tahay marka laga reebo booska daafaca dhexe sidaa darteed macalin Guardiola oo kulankii Salzburg ku tilmaamay mid uu cashar badan ooga baxay ayaa sheegay in xagaaga nagu soo fool leh ugu yaraan kooxdiisa lasoo saxiixan doonto labo daafac oo aad u tayo wanaagsan kuwaas oo ka cayaari karaan daafaca dhexe, hadaba maamulka Bayern Munich oo marwalbo jecel inay si dag dag uga jawaabaan baaahida Pep Guardiola ayaa dhankooda ka dhawaajiyeen inay macalinka reer Spain dalabkiisa la tixgalin doono sidaa darteed wargeska ugu afka dheer dalka Jarmalka ee lagu magacaabo Bild ayaa soo bandhigay daafacyada la aaminsan yahay inay Bayern Munich baadi goob ugu jirto saxiixooda.
Kabtanka xulka Brazil Thiago Silva kana tirsan naadiga PSG ayaa ugu horeeyo liiska daafacyada Bayern Munich ay dooneyso waxayna kooxda reer Jarmal diyaar ula tahay dhigeeda PSG 40-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay Paris soo dhaweyn doonto, sidoo kale macalin Guardiola ayaa maanka ku haayo inuu dib ula midoobo Gerard Pique balse midaas wau ku adkaan doontaa Pep madaama daafaca xulka Spain uu dhawaan heshiis cusub kooxdiisa Barcelona u saxiixay, David Luiz oo aan isaga looga baahneyn kooxda Chelsea ayuu Gaurdiola ka dhigan doonaa bartilmaameed 3-aad, ugu dambeyntii Mats Hummels oo haatan ah hogaamiyaha Dortmund ayaa liiskan lagu soo daray inkastoo daafacan uu qandaraas dheer Dortmund kula jiro hadana Bayern waxay ku taameysaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inay dib usoo ceshato waayo xarunta Munich ayuu xidigan kusoo bar baaray.
Waxaa Aqrisay: (312)
Mogadishu - Somalia