Kooxda Bayern Munich ayaa guul muhiim ah ku bilaawday sidii ay xili cayaareedkan cusub ku difaacan laheed koobka horyaalada Yurub kadib markii ay 3-0 kaga badisay naadiga CSK Moskow kulanka ka dhacay garoonka Allianza Arena, Munich waxaa guusha ka saacideen xidigaha kala ah David Alaba, Mario Mandzukic iyo Arjen Robben, macalin Pep Guardioll ayaa sidoo kale ku faraxsan inuu koobka horyaalada Yurub isagan guul ku bilaabay shaqadiisa.
Bayern kuma adkaan inay gool ku daah furto waayo David Alaba ayaa laad xor ah dhaliyay daqiiqadii 4-aad kadib wixii markaas ka dambeeyay xidigaha Munich ayaa kulankan iska maamulaneyn, markii qaybtii hore ay sii dhamaan rabtay waxaa cayaarta 2-0 ka dhigay Mario Mandzukic oo madaxa la helay kubad uu soo karoosay Arjen Robben waxaana qaybtii hore lagu kala nastay Bayern oo labo gool ku horkaceyso.
markii la isku soo laabtay qaybtii labaad Bayern waxaa goolka sedexaad u dhaliyay Arjen Robben oo kubad qurxoon ka helay David Alaba wuxuuna cayaarta ka dhigay 3-0, macalin Pep Guardiola kaliya kuma farxin guusha uu tartankan ku bilaabay sidoo kale Bayern waxaa dib ugu soo laabtay Bastian Schweinesteiger oo kasoo kabtay dhaawacii uu dhaawanahan garoomada uga maqnaa wuxuuna badalay Toni Kroos daqiiqadii 71. Bayern kulankeeda xiga waxay la cayaari doontaa naadiga Man City oo iyadana 3-0 uga badisay naadiga Viktora Plezen. Xidigahan hoos ku qoran ayay Bayern iyo CSK kusoo galeen kulankan.
Bayern (4-1-4-1): Neuer; Rafinha, Boateng, Dante, Alaba; Lahm; Robben, Muller, Kroos, Ribery; Mandzukic.
CSKA (4-2-3-1): Akinfeev; Nababkin, V. Berezutski, Ignashevich, Schennikov; Cauna, Wernbloom; Zuber, Honda, Vitinho; Musa