Wargeska The Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona ay dhigeeda Chelsea lasoo xariirtay sidoo kalena kala hadashay qaabkii David Luiz looga iibin lahaa madaama daafac xulka Brazil uusan London baaqi kusii ahaan doonin waxay Barcelona dooneysaa inay gacanta ku dhigto waayo kooxo dhowr ah ayaa ku raad joogaan sida Bayern Munich iyo PSG sidaa darteed Barcelona ayaa Chelsea kala hadashay qaabkii Luiz looga iibin lahaa waxayna kooxda reer Spain dooneysaa inay xidigan gacanta kusoo dhigto ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in Barcelona ay dhigeeda Chelsea ku wareejin doonto Alex Song iyo lacago dheeraad ah waxayna midaas sahli doontaa in Luiz uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku aado garoonka Camp, kubad bur buriye Song ayaan boos ka heesanin Barcelona balse xidigan waxaa qaab cayaareedkiisa jecel macalin Jose Mourinho sidaa darteed wada xaajoodka labadan naadi u bilaawday ayaa la rajeynaa inuu guul kusoo ildaado madaama ay haatan isku dan noqdeen.