Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Si Layaab Leh Ugu Dhaqaaqday Saxiixa Xidiga Man United Juan Mata

Barcelona Oo Si Layaab Leh Ugu Dhaqaaqday Saxiixa Xidiga Man United Juan Mata


Mata

Sida ay shaacisay jariirada Spain kasoo baxda ee AS kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona ayaa si layaab leh dalab ugu dhaqaaqday saxiixa kubad sameeyaha Barcelona Juan Manuel Mata kaas oo wax ka yar hal xili ciyaareed u ciyaaray kooxda Manchester United.

Juan Mata ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan ee kooxda bishii January ee kal hore isagoo ku sugan Old Trafford mudo 4-bilood ah waxaana si layaab leh dalab ugu soo diray kooxda Barcelona.

Macalinka cusub ee Barcelona Luis Enrique ayaa xushmad weyn u haya Mata sidoo kalana Barcelona ayaa gali doonta xaalad kala guur ah madama ay ciyaartoy badan ka tagi doonto kuwa kalana la keeni doono.

Juan Mata ayaa spain horay uga soo ciyaaray isagoo ku sugnaa Valencia wuxuuna kasoo guuray 2010 markaas oo uu ku biiray kooxda Chelsea ee ka dhisan Galbeedka London.

Si Kastaba Barca ayaa jawaab ka sugeysa Mata iyo Kooxdiisa Manchester United.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close